Maxamed Cali Faarax “ Madaxweynha waa uu naga aqabley in uu saixiixi doono Sharciga Caalamiga ah ee Naafada”
Ing Saalax Shiikh Cismaan “ Waxaan Hortiia ka balan qaadayaa in aan ka shaqeyn doono sidii uu u dhaqan geli lahaa Sharciga Daryeelka Naafdda”
Waxaa Dalladda SOSCENSA ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan qayb ka ahaa Ololaha loogu magacadarey KA FUR ALBAABKA ee loogu talagaley Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ee (Naafada ) Waxana kulankaas ka qayb galey Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska , Masuuliyiin ka tirsan Dalladda SOSCENSA , Xubno ka socdey Injineerada Dalka , Ganacsatada ,Garyaqaano, Ururada Naafada Soomaaliyeed , Jaamacadaha , Dhalinyaro , iyo Haween
Kulankaan oo ay si Wadajir u soo qaban qaabiyeen Dalladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurt a iyo Bartamaha Soomaaliya ( Somali South Central Non State Actors (SOSCENSA) iyo Ururka Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (Somali Disability Empowerments Network) (SODEN) ayaa waxaa si weyn loogu lafa gurey sida Bulshada Soomaaliyeed loogu Baraarujin laahi Caawinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba .
Ugu horeyntii waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Ururka Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Faarax oo sheegey in Soomaaliya weli Saxixin Sharciga Caalimaga ee Caawinta Naafada isagoo sheegey in Sharcigaas ay Saxiixeen 165 Wadan oo caalamka ka tirsan waxaa uu sii raaciyey
“ Waxaan la kulaney Madaxweyne Xasan Shiikh waxaan ka dhaadhiciney in uu Gacan ka geysto sidii Soomaaliya u Saxiixi lahayd Sharcigaas , Madaxwenaha waa uu naga aqbaley “ wuxuuna Gudoomiyaha sheegey in Soomaaliya ay ku nool yihiin ilaa laba Milyan oo qof oo naafo ah oo isugu jira kuwa Jirka , Indhaha iyo Dhegaha .
Kulankaas oo loogu Magacdarey KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA waxaa ka hadley Ing Faarax Cabdi Guure oo sheegey in Ingineerada Dhismaha ay Diyaar u yihiin in Guryaha la dhisayo ay u sameyn doonaan meelo ay maraan dadka Baahiyaha gaarka ah qaba isagoo Daboolka ka qaadey in ay hore u sameeyeen Dhismaayaal leh Meelo ay maraan Dadka Naafada ah .
Drs Xabiibo Xaaji Jimcaale oo kulankaas ka hadashey ayaa waxay tiri “ Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ma aha oo keliya Dadka Jir ahaan Naafada ah waxaa jira kuwa ka naafo ah Dhegaha iyo Indhaha Dhamaantood waxay u baahan yihiin in la caawiyo oo loo fududeeyo Baahidooda gaarka ah”
Gudoomiyha iyo Gudoomiye ku xigeenka Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shir wac iyo Maxamed Axmed Nuur (Poro) oo ka Hadley Kulankaas waxay labadooda Hoosta ka Xariiqeen in Ololahaan loogu magacdarey KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA ee loogu talagaley in lagu Caawiyo Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo ay gaarsiin doonaan Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna ka Codsadeen Dowladda in ay dedejiyaan Sharciga Daryeelka Naafadda .
Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas soo Gabagabeeyey Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Ing Saalax Shii kh Cismaan oo u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey kulankaan isagoo sheegey in ay sida ugu Dhaqsiyaha Badan au Baarlamaanka ugu gudbin doonaan Sharciga Caawinta Dadka Baahiyha Gaarka ah qaba ee Naafada Soomaaliyeed , wuxuuna balan qaadey in Ololhaan loogu magacdarey KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA ay meel walba gaarsiin doonaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk