Waxaa Hotelka Dipolomatic ee Magaalada Muqdisho laga qabtey Wajigii Sadexaad ee Siminaar ku saabsan sida Haweenka Naafada ah uga qayb qaadan lahaayeen ama uga muuqan lahaayeen Waxbarashada waxaana Siminaarkaas soo qabanqaban qaabiyey Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyed ee SOWDA (Somali Women Disability Association) waxana siminaarkaa ka qayb galey qaybaha ka duwan ee Bulshada , Haweenka Naafada , Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan iyo Marti Sharaf ale .
Siminaarkaan oo Saddexdii Biloodba mar la qabto ayaa waxa ugu horeyntii ka Hadley Maxamed Cali Faarax oo la taliya Ururka Sowda ayaa sheegey in siminaarka ujeedkiisu yahay sida Bulshada looga baahan yahay in Haweenka Naafada ama Caruurta Naafada loogu dhiiragelin lahaa Waxbarashada taasoo uu sheegey in aysan ku baraarugsaneyn inta badan Bulshada Somaaliyeed , waxaa uu sheegey in Siminaarkaa mudadaas uu socon doono loogu talagaley qaybaha kala duwan ee Bulshada si Caruurta Naafada loogu dhiirageliyo Waxbarashada
Xubnihii kale ee alkaa ka Hadley waxaa ka md ahaa Gudoomiyaha Degmada Hodan Xaawo Kiin Maxamuud Cali, waxay sheegtey in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay gacan siiyaan Dadka Naafada oo ay sheegety in ay Door Muhiim ah ku leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed waxay sii raacisey” Dadka Naafada ma aha naafo ee Bulshadaa naafo ka dhigtay marka waxaa loo baahan yahay in dadka Naafada ah la soo dhaweeyo lagana qayb galeyo Dhamaan Siyaasada iyo Shaqooyinka Dalka ka jira
Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Diinta islaamka ay nafareyso in la Caawiyo dadka Nafada ah waxaa uu intaa raaciyey” Marka la fiiriyo Dalalka Aduunka Dadkooda Naafada aad bay u qiimeeyaan oo u tixigeliyaan , waana Nasiibdaro in dadkii wadankaan Difaaciisa ka qayb qaatey in maanta dhabarka loo jeediyo oo si xun loola dhaqmo marka waxaa soo jeedinayaa in loo naxariisto Dadka Naafada si ay wax u qabsadaan” “
Shiikh Maxamed Axmed oo Darajada Master Degree-ga haysta ahna Ruux Indhoole oo ka mid ahaa Macalimiintii Casharada Jeedinayey Siminaarka ayaa ku dheeraadey Taariikhdii Naaafada aduunka iyo Mida Soomaaliya isagoo Hoosta ka Xariigqey in Dadka Naafada ah ay Aduunka ka gaareen in ay qabtaan Xilka Madaxweynha isagoo Tusaale u soo qaatey Madaxweynhii hore Indoonisya Cabdiraxmaan Waxiid sidoo kale waxaa uu sheegey in Soomaaliya laga helayo dad Naafo ah oo Bulshada waxa u tarey.
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley kana mid ahaa Macalimiintii wax ka dhigayey Siminaarkaas Cabdulaahi Cumar Xuseen i ayaa si aad ah u faahfaahiyey Caqabadaha kala diwan ee hortaagan in la caawiyo dadka Naafada , sidoo kale waxaa uu sheegey in Bulshada iyo Dowlada looga baahan yahay in ay jeexaan Istaraatiiyad kor loogu qaadayo in dadka naafada ay wax qabasadaan maadaama ay yihiin dad ka dhex Muuqda Bulshada Dhexdeeda
Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA (Somali Women Disability Association) Basiiro Cabdi Maxamed oo u Mahadcelisey intii ku gacan siisey Hirgelinta Siminaarkaa ku saabsan in Haweenka Naafada lagu dhiirageliyo Dhinaca Waxbarashada taasoo ay sheegety in Haween fara badan oo naafo ah ay heli lahaayeen fursado Waxbarasho sidoo kale waxay u Mahadcelisey Haya’adii ku gacan siisey Tababarkaan ee ABILIS FOUNDATION