Ka dib horaantii bishii hore ayaa waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen shirkada HORMUD TELCOM FOUNDATION iyo Dallada Awoodsinta Dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed SODEN in loo sameeyo dakhli abuur dadka naafada ah ee Somaliyed Dallada SODEN waxay arinkaas si weyn kala kaashatay hay,adda HORMUD TELCOM FOUNDATION ayadoo in mudda ah ba la rajeynaaye in lagu guuleysan doono barnaamijkaas dakhli abuurka ah ee loo sameynaayo dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ku dhaqan magaalada Muqdisho sidaa daraadeed waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 18/06/213. lasoo afjaray lacag siin taas ayadoo ay ka soo qeyb galeen dad badan oo bulshada ka mid iyo dhammaan saxaafadda Soomaaliya dadka ku guuleystay inay qaataan manta lacagahaas oo ah lacag dhan $500 ayaa waxaa loo sheegay inay tahay lacag tijaabo ah oo looga badinb doono haddii ay sidii loogu tala galay ugu shaqeestaan waxaa halkaas ka hadlay oo hadalka furay madaxa barnaamijyada Dallada SODEN oo ayada barnaamijkan soo qabatay Maxamed Cali Faarax waxaanu oo shegay inay dadkan ku soo xusheen si qaabab kala duwan ah aydoo laga rabay qof kasta oo 20 kan ka mid inuu la imaado damiin madama lagu dhiiri galinaayo inay dad xirfad leh noqdaan. waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay agaasimaha Dallada SODEN Cabas Caddow oo isna ku dheeraaday wax u qabashada dadka naafada ah oo ay u qabtaan isagoo shegay in maalmaha soo socdo la furi doono machad xirfadaha ah oo ay wax ku bartaan dadka naafadda ah. waxaa kaloo halkaas ka hadlay maamulaha iskuulka xamar jajab Mahad Axmed Mahamud o isna sharaxay baahida nafada ugu danbeyn na waxaa hadalka soo gaba gabeeyey agaasime ku xigeenka Hay,adda HORMUD FOUNDATION Sh. Cumar Maxamed Farax oo si aad iyo aad ah u ammaanay wax qabadka hay,adda SODEN iyo sidii ay ula qeyb qaaten wax u qabashada dadka naafada ah e Somaliyed ugu danbeynaa waxaa uu soo qatimay hadalkiisii waxaanu uu halkaas ka bixiyey lacagta loogu tala galay in lagu maal galiyo dadka nafada ah waxaan si sharaf leh ku dhamaatay xafladii ay soo agaasintay Dallada
SODEN celebrates International Day of Persons with Disabilities 2024
(Visited 28 times, 1 visits today)