KULAN LAGU XOOJINAAYO DHISIDDA GOLAHA NAAFADA QARANKA SOOMAALIED

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Waxaa Manta mar kale lagu qabtay xarunta Awoodsinta Naafada Somaliyed ee #SODEN kulankii labaad ee looga arinsanaaye dib u habeynta iyo taaba galinta hanan usocodka howlaha Naafada Soomaaliyed, waxaa maalmihii la soo dhaafay socday kulanno ay soo qaban qaabiyeen dad naafo ah kuwaas oo la doonaye in lagu sameeeyo hal urur ama Gole oo matala dhammaan Naafada Somaaliyed , sidaa daraaded waxaa la isku raacay in lasameeyo GOLAHA NAAFAADA QARANKA SOOMAALIYED (National Disability Council) manta agandahu waxaa uu ahaa laba qodob oo kala ah
1; soo bandhigid Xeerka cusub ee Golaha Naafada Qaranka
2: magacaabis guddiyo ka soo shaqeeyo howlaha muhiimka ee Golaha
ugu horreyn shirka waxaa daah furay Mohamed Ali Farah oo ah Directorka #SODEN isla markaana aheyt meshii shirka ka dhacaye, waxaa meshas lagu soo bandhigay xeerka cusub ee uu yeelan doono GOLAHA Naafada Qaranka Somaliyed ayadoona loo qeybiyey dhamaan intii shirka goob jooga u aheyt si ay u soo aqristaan , waxaa kaloo mehsa lagu magacaabay sadax guddi oo kala ah
1:Guddiga xariirka dalka iyo dibada
2:guddiga habeenta dastuurka/xeerka
3:guddiga siyaasada iyo arimaha dowlada
sidoo kale waxaa meshaas lagu amaanay qaar ka mid ah qurba joogta somaaliyed oo ka shaqeya arimaha dadka Naafada ah iyo uraradii gudaha dalka ka shaqeynaya sida, Mugadishu, Garoowe, Sool iyo Sanaag, Burco, gobalada dhaxe, labada shabelle iyo jubbooyinka , ugu danbeyn waxaa la isku raacay in la isku soo laabto 23/6/2014 si howsha halkeda loga sii wado waxana loogu baaqay dhamaan dadka daneeya arimaha naafada inay ka soo qeyb qaataan yagleelida GOLAHA NAAFADA QARANKA SOOMAALIYED1234

(Visited 307 times, 1 visits today)

More to explorer

Scroll to Top