XARUNTA DALLADDA SOSCENCA OO LAGU QABTEY KULAN QAYB KA AHAA OLOLAHA KA FUR ALBAABKA DADKA BAAHIYAHA GAARKA AH QABA EE (NAAFADDA).

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Maxamed Cali Faarax  “ Madaxweynha waa uu naga aqabley in uu saixiixi doono Sharciga Caalamiga ah ee Naafada”

Ing Saalax  Shiikh Cismaan  “ Waxaan Hortiia ka balan qaadayaa in aan ka shaqeyn doono sidii uu u dhaqan geli lahaa Sharciga Daryeelka Naafdda”

Waxaa Dalladda SOSCENSA ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey  Kulan qayb ka ahaa Ololaha loogu magacadarey KA FUR ALBAABKA ee loogu talagaley Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ee (Naafada ) Waxana kulankaas ka qayb galey Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u  dhiska , Masuuliyiin ka tirsan Dalladda SOSCENSA ,  Xubno ka socdey Injineerada Dalka , Ganacsatada ,Garyaqaano, Ururada Naafada Soomaaliyeed , Jaamacadaha , Dhalinyaro , iyo Haween1

Kulankaan oo ay si Wadajir u soo qaban qaabiyeen  Dalladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurt a iyo Bartamaha Soomaaliya  ( Somali South Central  Non State Actors  (SOSCENSA) iyo  Ururka  Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (Somali Disability Empowerments Network)  (SODEN)   ayaa waxaa  si weyn loogu lafa gurey sida Bulshada Soomaaliyeed loogu Baraarujin laahi Caawinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba .

Ugu horeyntii waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Ururka  Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Faarax  oo sheegey in Soomaaliya weli Saxixin Sharciga Caalimaga ee Caawinta Naafada isagoo sheegey in Sharcigaas ay Saxiixeen 165 Wadan  oo caalamka ka tirsan waxaa uu sii raaciyey4

“ Waxaan la kulaney Madaxweyne Xasan Shiikh  waxaan ka dhaadhiciney in uu Gacan ka geysto sidii Soomaaliya  u Saxiixi lahayd  Sharcigaas , Madaxwenaha waa uu naga aqbaley “ wuxuuna Gudoomiyaha sheegey in Soomaaliya ay ku nool yihiin ilaa laba Milyan oo  qof oo naafo ah oo isugu jira kuwa Jirka , Indhaha iyo Dhegaha .

Kulankaas oo loogu Magacdarey  KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA  waxaa ka hadley  Ing Faarax Cabdi Guure  oo sheegey in Ingineerada Dhismaha ay Diyaar u yihiin in  Guryaha la dhisayo ay u sameyn doonaan meelo ay maraan dadka Baahiyaha gaarka ah qaba isagoo Daboolka ka  qaadey in ay hore u sameeyeen Dhismaayaal leh Meelo ay maraan Dadka Naafada ah .2 3

Drs Xabiibo Xaaji Jimcaale oo kulankaas ka hadashey ayaa waxay tiri “ Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ma aha oo keliya Dadka Jir ahaan Naafada ah waxaa jira kuwa ka naafo ah Dhegaha iyo Indhaha Dhamaantood waxay u baahan yihiin in la caawiyo oo loo fududeeyo Baahidooda gaarka ah”

Gudoomiyha iyo Gudoomiye ku xigeenka Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shir wac  iyo Maxamed  Axmed Nuur (Poro) oo ka Hadley Kulankaas waxay labadooda Hoosta ka Xariiqeen in Ololahaan  loogu magacdarey KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA  ee loogu talagaley in lagu  Caawiyo Dadka Baahiyaha  gaarka ah qaba oo ay gaarsiin doonaan Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna ka Codsadeen Dowladda in ay dedejiyaan Sharciga Daryeelka Naafadda .

Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas  soo Gabagabeeyey Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Ing Saalax  Shii kh Cismaan oo u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey kulankaan  isagoo sheegey in ay sida ugu Dhaqsiyaha Badan au Baarlamaanka ugu gudbin doonaan Sharciga Caawinta Dadka Baahiyha Gaarka ah qaba ee Naafada Soomaaliyeed , wuxuuna balan qaadey in Ololhaan loogu magacdarey  KA FUR Al-BAABKA DADKA BAAHIYAHA GAAR KA AH QABA    ay meel walba gaarsiin doonaan   2

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

(Visited 804 times, 1 visits today)

More to explorer

Scroll to Top