Kulan ka Dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay wada yeesheen Dalladda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN) iyo Xubno ka Socdey Dowladda.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Kulan aad u balaaran ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Raiisul Wasaaraha  Dowladda Federaalka, waxaana kulanaas ka qayb galey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda ArimAha Bulshada iyo Shaqadda,  AgaasimAha Waaxda Xiriirka Dadweynaha iyo Arrimaha Bulshada iyo Xubno ka socdey  Dalladda  Awoodsiinta Naafada Soomaaliyed ee Somali Disability Empowerment Network( SODEN).

Ugu horeyntii waxaa warbixin ku saabsan Xaaladda Dalladda Naafadda Soomaaliyeed laga dhageystey Xubno ka socdey Dalladdda  Awoodsinta Naafada Soomaaliyeed ee (SODEN) Somali Disability Empowerment Network waxayna sheegeen in Naafadda Soomaaliyeed ay qabaan Dhabaatooyinka kala duwan maadaama ay yihiin dad aan u Dhameystirneyn Lixaadkooda

“Waxaan Dowladda Federaalka u soo jeedineynaa in ay Kaalinteeda qaada si Dalladda Awoodsiinta Naafadda Soomaaliyeed u helaan Xaquuqdooda “ayey yiraahdeen Xubnhii ka socdey Dalladda woodsiinta Naafada Soomaaliyeed ee (Somali Disability Empowerment Network(SODEN oo  Dowlada u gudbiyey Baahidooda ku aadan sidii loo Gacan siin lahaa Naafadda Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka u soo jeediyeen in loo Madaxbanaaneeyo Xubnaha ay ku lahaayeen Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Agaasimaha Waaxda Naafada iyo Agaasimaha Machadka Tababarka dadka Naafada ah labaas xil oo aan hadda ku jirin gacanta dadka Naafada ah 

Wasiir ku Xigeen Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Cabdalla Xaaji Axmed oo ka Hadley kulankaas ayaa waxaa uu u Gudbiyey Xubnaha Dalladda  Awoodsiinta Naafada Soomaaliyed ee Somali Disability Empowerment Network (SODEN) Fariin  uu uga wadey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed waxayna fariintaas ay ahayd mid uu Raiisul wasaaraha ku Boorinayo in la caawiyo Dallada Awoodsiinta  Naafada Soomaaliyeed
 
Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynha iyoo Arrimaha Bulshad ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha Cabdicasiis Yuusuf oo ka hadley kulankaas ayaa sheegey in Ra’iisul Wasaaraha uu u gudbin doono wixii cabasho ah ah ee ku aadan sidii loo Caawini lahaa Dallada Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed, isagoo uga Mahadceliyey Dalladda sida ay uga go’an tahay in ay helaan  xaquuqdooda.

kulan3kulan 2kulan1kulan5

(Visited 583 times, 1 visits today)

More to explorer

Scroll to Top